Ruushka oo sheegay in uu yareynayo ciidamadiisa ku sugan gudaha Suuriya

Labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo noocoodu yahay Su-25 oo ka kacaya saldhiga millatariga Latakia ee Ruushku uu ku leeyahay gudaha Suuriya.  [Sawirka: Archive]
Labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo noocoodu yahay Su-25 oo ka kacaya saldhiga millatariga Latakia ee Ruushku uu ku leeyahay gudaha Suuriya. [Sawirka: Archive]
Moscow-(Puntland Mirror) Ruushka ayaa bilaabay in uu hoos u dhigo ciidamadiisa iyo diyaaradihiisa ku sugan gudaha dalka Suuriya, sida uu sheegay taliyaha ciidamada qalabka sida ee Ruushka.

“Wasaaradda difaaca Ruushku waxay bilowday in ay yarayso ciidamadeeda ku sugan gudaha Suuriya,” sidaa waxaa yiri Janaraal Valery Gerasimov oo ah taliyaha ciidamada Ruushka.

Arrintan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii heshiis xabad-joojin ah laga gaaray Suuriya oo ay garwadeen ka ahaayeen Ruushka iyo Turkiga.

Afartii sanno ee u dambaysay, diyaaradaha Ruushka ayaa geystay weeraro culus oo lid ku ah falaagada kasoo horjeeda xukuumada Bashaar Al-asad

Bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay, Ruushka ayaa iclaamiyay in uu xoogagiisa kala baxayo gudaha Suuriya balse waa uu sii waday duqaymaha.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*