Ruushka iyo Turkiga oo heshiis ku gaaray in ay soo ceshtaan xiriirkoodii

2907982 08/09/2016 August 9, 2016. From right: Russian President Vladimir Putin meets with Turkish President Recep Tayyip Erdogan at the Constantine Palace. Aleksey Nikolskyi/Sputnik
Madaxweynaha Ruushka iyo Turkiga oo kulmay. sawirka: Xinua.

Moscow-(Puntland Mirror) Turkiga iyo Ruushka ayaa gaaray heshiis lagu soo celinayo xiriirkii labada dal u dhaxeeyay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ay wadahadal labo dhinac ah ku yeesheen magaalada St Petersburg ee Ruushka.

Putin ayaa sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen balaarinta xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ay heshiis ku gaareen in la sameeyo heshiisyo maalgalineed iyo xiriir kale oo ganacsi.

Kulanka Erdogan iyo Putin ayaa ahaa kii kowaad oo dhexmara tan iyo markii Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushka lahaa bishii November ee lasoo dhaafay, taasoo xumaysay xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee labada dal.

“Booqashadaada maanta, inkastoo ay jiraan xaalado adag oo ka jira gudaha Turkiga, waxay muujinaysaa in dhamaanteen aynu rabno in aanu bilowno wadahadal iyo soo celinta xiriirka Ruuskha iyo Turkiga,” sida waxaa yiri Madaxweyne Putin.

Ugu dambayna Madaxweyne Erdogan ayaa uga mahadceshay dhiggiisa Ruushka taleefoon uu u soo diray kadib markii uu dhacay 15-kii July isku-daygii afgembiga dhicisoobay.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*