Ruushka: Iran maahan dowlad argagixiso

Afhayeenka aqalka madaxtooyada Kremlin-ka ee dalka Ruushka, Dmitry Peskov. [Sawirka: Archive]
Afhayeenka aqalka madaxtooyada Kremlin-ka ee dalka Ruushka, Dmitry Peskov. [Sawirka: Archive]
Moscow-(Puntland Mirror) Afhayeenka aqalka madaxtooyada Kremlin-ka ee dalka Ruushka, Dmitry Peskov ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in Iran aysan ahayn dowlad argagixiso ah, isaga oo u jawaabcelinayay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

“Kuma aanu raacsanin qaabkan weerarka ah,” ayuu ka yiri Dmitry Peskov shir saxaafadeed daba socday hadalkii Trump uu ka sheegay wareysi taleefishin la yeeshay Axadii kaasoo uu ku sheegay in Iran ay tahay dowladda kowaad ee argagixisada.

“Sida aad ogtihiin dhammaantiin Ruushka waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay Iran waxaana iska-kaashan doonaa dalkaas arrimo badan,” “Waanu ku faraxsanahay xiriirkayaga kaasoo aanu isku dhaafsano ganacsiga waxaana u rajaynaynaa horumar intaas ka badan.”ayuu ku daray.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay jiraan arrimo badan oo Moscow iyo Washington ay isku qaadaceen.

“Si kastoo ahaataba, tani u noqon mayso mid derbi ku kala xirta xiriirka iyo danaha la taaban karo ee ku aadan xiriirka Ruushka iyo Mareykanka.” Ayuu ku daray.

Trump ayaa dib u soo ceshay colaada Mareykanka uu u qabo Iran, markii uu xafiiska la wareegay Barrack Obama waxa uu amar ku bixiyay in cunaqabataynta laga qaado xukuumada Tehran, taasoo Mareykanku gashay liiska dowladdaha taageera argagixisada tan iyo sanadkii 1984-tii.

Xiriirka u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka ayaa sidoo kale noqday mid diiran, iyadoo Trump uu dhowr jeer ammaan huwiyay Madaxweyne Vladimir Putin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*