Ruug cadaa saxafi Maxamed Aadan Teera oo London ku geeriyooday

Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera. [Sawirka]
London-(Puntland Mirror) Maxamed Aadan Xirsi “Teera”, oo ahaa saxafi Soomaaliyeed oo rug cadaa ah ayaa maanta oo Khamiis ah ku geeriyooday magaalada Lnodon ee dalka UK, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Teera ayaa asbuucyadii u dambeeyay ku xanuunsanayay isbitaal kuyaala London, halkaas oo uu maanta ku geeriyooday.

Teera ayaa xirfadiisa wariyenimo bilaabay sanadihii 70-kii, isaga oo warbaahinta Soomaaliya ku guda jiray muddo 50-sanno ah.

Waxa uu agaasime guud kasoo noqday idaacada dowladda ee Radio Muqdisho xilligii dowladdii Kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

Teeraa ayaa sidoo kale kasoo shaqeeyay warbaahino kala duwan sida BBC, IRIN, Universal TV iyo Taleefishinka Dowladda Puntland oo uu hadda ka ahaa agaasimaha qaarada Yurub.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Maxamed Aadan Xirsi Teera, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*