Roobow oo iska indho-tirayaa go’aanka Wasaaradda Amniga DFS ee ka mamnuucaya doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed

Roobow Mansuur oo ololihiisa ka wada Baydhabo. [Sawirka: facebook]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sii xoojiyay ololihiisa madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in uusan u tartami karin xilkaas.

Mansuur oo horey uga tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa asbuucaan ku dhawaaqay in uu u tartamayo madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga fiidnimadii Khamiista ayaa lagu sheegay in Mansuur uusan buuxin shuruudihii looga baahnaa in dhammaan laga qaado cunoqabatayntii saarnayd.

Inkastoo go’aankaas uu soo baxay, Mansuur ayaa sii labo jibaaray ololihiisa tartanka, waxaana uu u muqdaa in uu iska indho-tirayo go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu olole balaaran ka wadaa magaala Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed, sida wararku ay sheegayaan.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha November ee soo socota, waxaana ku loolamaya musharixiin badan oo uu ku jiro hoggaamiyaha hadda jooga Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Cunoqabateynta

Bishii June ee 2017, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo sidoo kale madaxiisa ay saarneyd $5 milyan oo abaalmarin ah cidii soo qabata.

Bishii Agoosto ee 2017, Mukhtaar Roobow ayaa goaansaday in uu ka tago kooxdiisii hore ee Al-Shabaab.

Roobow Abu Mansuur ayaa ah hoggaamiyihii ugu sareeyay oo abid ka baxa maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*