Roobka Dayrta oo ka bilaabmay deegaanada Puntland

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Roobabkii Dayrta ayaa maanta oo Arbaco ah ka curtay gobolada Puntland iyadoo lagu jiray xilli abaar ah oo kulul.

Roobka ayaa ka da’ay deegaano kuyaala gobolada Bari, Karkaar iyo Nugaal, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xilli roobaadka Dayrta ayaa ah xilli roobaadka ugu yare e labada xilli roobaad ee dhulka Soomaaliya laga helo.

Garoowe oo roobsatay

img-20161012-wa0003
Roobka oo biyo dhigay wadooyinka magaalada. [Sawirka: Puntland Mirror]
Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta waxaa ka da’ay roob fiican oo ay ku diirsadeen dadka magaalada.

Roobka ayaa wakhtigii duhurnimada ka bilaabmay magaalada isagoo biyo dhigay wadooyinka waa-weyn ee ay magaalada caanka ku tahay.

Si kastoo ay ahaataba bishaan Oktoobar iyo bisha ku xigtaa ayaa la filayaa in roobka Dayrta ay ka da’a deegaanada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*