Roobabkii Deyrta oo ka bilaabmay Puntland

Biyo isugu tagay meel kamid ah Puntland kadib roobkii Deyrta ee Arbacada. [Xigashada Sawirka: Facebook/Burhan Yusuf]
Garoowe-(Puntland Mirror) Roobab fiican oo xilli roobaadka Deyrta ah ayaa ka da’ay qaybo kamid ah gobolada Puntland maanta oo Arbaco ah, sida dadka deegaanku ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Gobolada roobabka helay ayaa waxaa kamid ah Bari, Karkaar, iyo Nugaal, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Gudaha Soomaaliya, xilli roobaadka Deyrta ayaa badanaa ah mid ka yar kan Guga. Si kastoo ay ahaataba, waxaa uu bilaabmaa dabayaaqada September waxaana uu dhammaadaa bisha November.

Saadaasha roobabka ayaa tilmaamaya in xilliga Deyrta 2017 ee Soomaaliya laga filayo in ay caadi noqoto (40% roobab caadi ah) inta badan dalka, sida ay sheegtay warbixin ay soo saareen Mashruuca Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka ee Soomaaliya (SWALIM) dhammaadkii Agoosto.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*