Roobab fiican oo laga soo sheegay gobolada Puntland

Daruur roobaad dul saaran cirka Garoowe, 26 April, 2017. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Qaybo kamid ah gobolada Puntland ayaa helay roobab fiican kadib abaar daran oo jirtay muddo toban bilood ka badan.

Gobolada sida Nugaal, Mudug, Karkaar iyo Sool ayaa helay roobab fiican, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka ayaa soo dhaweeyay roobka sida mid kamid ah xoolo dhaqatada uu khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Waxaanu ku faraxsanahay in ugu dambayntii ay roobabkii yimaadeen sababtoo ah waxaa na waxyeeshay abaar aad u daran, oo naga dhammeysay xoolihii.” Ayuu yiri mid kamid ah xoolo dhaqatada.

Intii lagu guda jiray maalmihii dhawaa ee laga soo gudbay, cimilada ayaa ahayd mid kulul oo qalayl ah gudaha gobolada Puntland sidoo kale cirka ayaa waxaa saarnaa daruur roobaadyo.

Horaantii asbuucaan, Haayada Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyin ee Puntland (HADMA) ayaa uga digtay dadka reer guuraaga ah in ay xoolahooda jiriyaan iyadoo la filayo in roobab mahiigaan ah ay ka da’aan qaybo kamid ah Puntland maalmaha soo socda.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*