Roob mahiigaan ah oo ka da’ay Boosaaso

Biyo qul-qulaya wadooyinka Boosaaso kadib markuu roobku da’ay. [Sawirka: Facebook]
Biyo qul-qulaya wadooyinka Boosaaso kadib markuu roobku da’ay. [Xuquuqda Sawirka: Facebook/Mukhtaar Cabdi Cade ]
Garoowe-(Puntland Mirror) Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa heshay roob mahiigaan ah intii lagu guday jirey 24-saac ee lasoo dhaafay, sida uu sheegay wariyaha Puntland Mirror ee Boosaaso.

Wariyaha Puntland Mirror ee magaalada Boosaaso, Cabdulaahi Boodacade ayaa sheegay in dadka deegaanka ay aad u soo dhaweeyeen roobka.

Deegaan xeebeedyada Puntland sida Bander Bayla, Isku-shuban, Xaafuun, Eyl iyo Laasqoray ayaa sidoo kale helay roob wanaagsan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Roobab mahiigan ah ayaa la filayaa in ay ka da’aan gobolada Puntland maalmaha dhow ee soo socda, sida ay sheegayaan khuburada saadaasha cimilada.

Roobka ayaa imaanaya iyadoo gobolku uu wajahayo abaar daran, taasoo dishay boqolaal xoolo ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*