Reer Guuraa dowladda Puntland ka codsaday in ay ku taageerto baabuur ay ugu guuraan deegaanada roobabku ka da’een

Reer guuraa gaaray deegaanada gobolka karkaar ee roobku ka da’ay. [Sawirka: Facecook]
Reer guuraa gaaray deegaanada gobolka karkaar ee roobku ka da’ay. [Sawirka: Facecook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dadka reer guuraaga ah ayaa ka codsaday dowladda Puntland in ay ku taageerto baabur ay ku guuraan si ay ugu guuraan deegaano kuyaala gobolka Karkaar oo dhawaan roobab ka da’een.

“Lacag lagu guuro waa la waayay gaadiid lagu guura waa la waayay dadkii iyo wixii ay xoolo haysteen halkaan bay isku baseen geel iyo ari… hadde waxaan doonaynaa wax aan ku guurno in naloo raadiyo… dhibkaas baa jira baahidaas baa jidha oo waa la kici waayay……dan baan u guuri weynay geedina waanu rabnaa iyo in xoolaha meel na loo geeyo.” Ayuu yiri nin kamid ah reer guuraaga oo la hadlay idaacadaha maxaliga ah.

“Waxaan doonaynaa in xoolaha na loo raro oo na la ka bixiyo kharashka gaarigu qaadanayo….waaxanu raashin siisano mahaysano waxaan ku guurno ma haysano…waxaanu rabnaa in xoogaaga xoolaha oo noo haray in meel na loo geeyo.” Ayay tiri haweenay kamdi ah xoolo dhaqatada oo la hadashay idaacadaha maxaliga ah.

“Waxaanu ka nimi baadiye la dhaho Garamo… ummada ninkii gaari lahaa oo gaari heli karay waa guuray dhurwaa iyo anaga la isaga kaaye guuray… waxaan codsanay Ilaahay baa wax laga codsadaaye in meesha na la ka qaado…. Gawaaridii kun iyo shan boqol ($1,500) bay isku taagtay ninkii heli karay baa iska bixiyay ninkii heli waayayna wuu yuuraraa…. Waxaanu codsanaynaa in nala siiyo gawaari sidaasbaan Garoowe u nimi dowladda barakaysana aan ka codsanaynaa.” Ayay tiri haweenay reer guuraa ah oo idaacadaha maxaliga ah kula hadashay Garoowe.

Puntland ayaa wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo sannado ah, iyadoo 1.5 milyan oo qof ay u baahanyihiin cuno iyo biyo.

Abaarta ayaa sababtay in ay yaraadaan biyaha iyo cawska, taasoo xoolaha nool ku keentay in ay dhintaan, kaasoo laf dhabarta dhaqaalaha u ah xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag ayaa ah meelaha ugu daran oo ay abaarta jirta saamaysay.

Xilli roobaadkii Deyrta oo baaqatay, taasoo sida caadiga ah la heli jiray Oktoobar ilaa November ayaa keentay abaarta.

Waxaa dhawaan roobab fiican ka da’een deegaano kuyaala gobolka Karkaar gaar ahaan deegaanka Dhuudo halkaaas oo ay u guureen boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah oo ka kala yimid gobolada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*