Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka naadiyaasha Yurub

Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka naadiyaasha Yurub. [Sawirka: Twitter]
Cardiff-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka naadiyaasha qaarada Yurub kadib markii ay xalay oo Sabti ahayd kooxda reer Talyaani ee Juventus ku garaacday 4-1, ciyaarta kama dambaysta ahayd oo ka dhacday magaalada Cardiff ee dalka Wales.

Xidiga reer Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa furay goolasha markii ay ciyaartu maraysay 20 daqiiqo qeybteedii hore, waxaana uu noqday ciyaartowgii ugu horeeyay oo saddex final oo horyaalka naadiyaasha Yurub ah gool ka dhaliya.

Kooxda Juventus oo lagu naanaayso “Marwada Duqda ah” ayaa si deg deg ah uga jawaabcelisay gooshii Ronaldo labo daqiiqo kadib markii weeraryahanka Reer Croatia Mario Mandzukic uu kubad labo lagooti ah u ku dabo mershay goolhayaha Real Madrid Navas.

Ciyaarta ayaa qaybteedii hore ku dhammaatay 1-1.

Intii lagu guda jiray qaybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 61-aad, dhex hayaha reer Brazil Casemiro ayaa laad uu tuuray waxaa isku saray ciyaartowga reer Germany ee u ciyaara Juventus Sami Khedira taasoo keentay in uu gaari waayo goolhayaha da’da weyn ee Juventus iyo Qaranka Talyaaniga Gianluigi Buffon. Waxaana gooshaas ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo Real Madrid ku hoggaaminayso.

Ronaldo ayaa gooshiisii labaad ku darsaday daqiiqadii 64-aad taasoo kooxdiisa uu awooda ugu dhiibay 3-1 in ay ciyaarta si raaxo leh ugu hoggaamiyaan.

Sergio Asensio ayaa goosha afraad u dhaliyay Real Madrid taasoo Real Madrid ka dhigtay naadigii kowaad oo ku guuleysta horyaalka kooxaha Yurub labo sanno oo isku xiga tan iyo markii laga badalay magaca sanadihii 1992-ilaa 1993-dii.

Guusha ayaa sidoo kale ka dhigaysa Real Madrid in ay tahay kooxda ugu badan oo haysata koobka iyada oo ku guuleysatay 12 koob oo ah horyaalka naadiyaasha Yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*