Raysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak oo yimid Muqdisho

Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo soo dhaweynaya Raysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo soo dhaweynaya
Raysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak ayaa maanta oo Axad ah yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Raysulwasaare ku xigeenka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Labada Raysulwasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo maamulka gobolka Banaadir uu ku wareejiyey gaadiid iyo agab kale oo loogu talogalay in kor loogu qaado bilicda caasimadda Muqdisho.

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xaalada abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*