Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Lahaanshaha Sawirka: Getty Images]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta.

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele oo soo xiganaya digreeto kasoo baxday xafiiska Raysulwasaaraha ayaa sheegay in xilka laga qaaday Xasan Macalin Xuseen oo ahaa Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta.

Lama sheegin sababta keentay xilka qaadista.

Wasiir Dowlahha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim ayaa si kumeelgaar ah loogu doortay in uu sii hayo xilka, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up