Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo u safray dalka Sucuudi Caraabiya

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo gacan haatinaya marka uu ka baxayay garoonka Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqadisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah u safray dalka Sucuudi Caraabiya.

Ujeedka safarka ma cadda, balse Raysulwasaaraha ayaa qoraal uu Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in uu safar ku tagi doono Sucuudi Caraabiya halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono masuuliyiinta dalkaas.

Safarkan ayaa noqonaya kii kowaad oo Khayre ku tago Sucuudi Caraabiya tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Maarso 2017.

Xiriirka u dhaxeeya labada dal ma ahayn mid diiran tan iyo khilaafkii Khaliijka oo bilaabmay 2017 oo u dhaxeeya xulufada Sucuudi Caraabiya iyo Qatar, kaasoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay go’aan dhexdhexaad ah.

Dabayaaqadii 2017, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar ku tagay Riyadh. Wakhtigaas Soomaaliya waxay $50 milyan oo dollar oo caawimaad ah ka heshay Sucuudiga, waxayna u muuqatay in xiriirka ka dhaxeeya labada dal uu soo fiicnaanayo.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*