Raysulwasaaraha Soomaaliya oo u safray Turkiga

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Radio Mogadishu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Arbaco ah u safray dalka Turkiga oo uu casumaad ka helay.

Khayre ayaa kulan la yeelan doona masuuliyiinta Turkiga inta uu joogo halkaas.

Safarka Raysulwasaaraha ee Turkiga ayaa baaqday kadib markii uu dhacay qaraxii Zoobe ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.

Turkiga ayaa xiriir fiican la leh dowladda Soomaaliya, isagoo ka caawiyay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, ciidamada iyo kor u qaadida haayadaha dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*