Raysulwasaaraha Soomaaliya oo tagay Ethiopia si uu uga qeybgalo shirka Urur Goboleedka IGAD

Raysulwasaaraha Soomaaliya oo tagay Ethiopia si uu uga qeybgalo shirka Urur Goboleedka IGAD. [Sawirka: Archive]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Isniin ah tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ehiopia si uu halkaas uga qeybgalo shirka Urur Goboleedka IGAD.

Shirka ayaa looga hadli doonaa xaaladaha ammaan iyo aadanimo eek a jira gobolka.

Inta uu safarkiisa ku guda jiro, Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in uu kulan la yeelan doono madaxda shirka ka qeybgalaysa.

Waa safarkii ugu horeeyay oo uu Itoobiya ku tago tan iyo markii loo doortay Raysulwasaaraha Soomaaliya dabayaaqadii bishii Febaraayo ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*