Raysulwasaaraha Soomaaliya oo safar ku tagay Kismaayo

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Isniin ah safar ku tagay magaalada Kismaayo.

Khayre ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, waxaa jiray muran xoogan oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Inta uu ku jiro safarkiisa Kismaayo, Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmi doona masuuliyiinta Jubbaland, sida ay ilowareedyadu sheegeen.

Wakhtigan, safarka Khayre ayaa u muuqda in uu calaamad u yahay in dowladda federaalka ay raadinayso in ay soo celiso xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.

Bishii September 2018, Jubbaland ayaa martigelisay shirkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya kuwaasoo wakhtigaas hakiyay wada-shaqaynta kala dhaxaysa dowladda federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*