Raysulwasaaraha Soomaaliya oo guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka kulan kula yeeshay Washington

Raysulwasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanem. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Washington-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Washington kulan kula yeeshay masuuliyiin katirsan Bangiga Adduunka.

Sida ay wararku sheegeen, Xasan Cali Khayre iyo guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanem ayaa kawadahadlay arrimaha la xiriira nidaamka maaliyada iyo habsami u socodka dadaalada deyn cafinta Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, kaasoo asbuucii lasoo dhaafay la doortay.

Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa horaantii asbuucaan u safray dalka Mareykanka si uu uga qeybgalo kulamada xagaaga ee u dhaxeeya haayadaha maaliyada ee dunida.

Bishii September 2018, Bangiga Adduunka oo fadhigiisu yahay Washington, ayaa ogolaaday $80 milyan oo dollar oo deeq ah oo la siinayo Soomaaliya si ay ugu maalgeliso dib u habeynta maaliyadeed ee wadanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*