Raysulwasaaraha Soomaaliya oo gaaray Switzerland si uu uga qeybgalo shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka

Raysulwasaaraha Soomaaliya iyo wefdigiisa oo wakiilka Soomaaliya u fadhiya Geneva, Switzerland, Faadumo Cabdullaahi Maxamed soo dhaweynayso. [Xigashada Sawirka: Twitter/Somalipm]
Davos-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah gaaray magaalada Davos ee dalka Switzerland si uu uga qeybgalo shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee WEF.

“Aniga iyo wefti aan hoggaaminayo ayaa gaarnay Davos, Switzerland si aan uga qeyb galno Shirka Madasha Dhaqaalaha adduunka. Shirkan oo ah markii ugu horreysay ee Soomaaliya ka qeyb gasho ayaan ku rajo weynahay inuu jid cusub u furi doono koboca dhaqaalaha dalka.” Ayuu ku yiri boggiisa Twitter-ka.

Raysulwasaaraha ayaa waxaa weheliya xubno katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamidyihiin wasiiro.

Shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee WEF ayaa maanta oo Taladoo ah ka furmi doona dalka Switzerland. Waana markii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ka qeybgasho sida uu sheegay Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*