Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Garoowe yimid

Khayre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku qaabilay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Jimce ah yimid magaalada Garoowe.

Khayre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku qaabilay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ujeedka safarka raysulwasaaraha uu yahay sidii uu uga qeybgali lahaa shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, oo la filayo in beri oo Sabti ah uu ka furmo Garoowe.

Maanta oo Jimce ah, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Hir-shabeelle iyo Jubbaland ayaa yimid Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*