Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaqada ka ceyrshay Wasiirkii Waxbarashada

Wasiirkii Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaqada ka ceyrshay Wasiirkii Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, sida lagu seegay digreeto kasoo baxday xafiiska Raysulwasaaraha maanta oo Khamiis ah.

Sida lagu sheegay digreetada, Wasiir Dowlaha Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sii heyn doona xilka.

Lama sheegin sababta ka dambeysa shaqo ka ceyrinta, balse go’aanka ayaa yimid maalin kadib markii Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan uu sheegay in uusan aqoonsaneyn dhammaan jaamacadaha kuyaala Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*