Raysulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka tacsiyeeyay geerida Janaraal Maxamed Cali Samatar

Omar
Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

RW wuxuu ku sifeeyay S/guud Cali Samatar nin ku suntanaa Waddaniyadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa hoggaamiyaashii iyo saraakiishii doorka weyn ka qaatay dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo Marxuum Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii hore ee dalka soo maray isla markaana qeyb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka .” sidaa ayuu bayaan ku yiri RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay dowladii kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ku geeriyooday xalay oo Sabti ahayd gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Janaraal Samatar ayaa dalka kasoo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeenka 1-aad, Raysulwasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhiga xilligii dowladii kacaanka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*