Qofkii ugu horeeyay oo gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday xanuunka caronavirus

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay gudaha Soomaaliya ayaa hadda gaartay 12.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Qofkii ugu horeeyay ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday xanuunka caronavirus, sida caawa fiidkii war-saxaafadeed ku sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qofka xanuunka u dhintay ayaa ah muwaadin Soomaali oo 58-jir ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Afar kiis oo cusub oo caronavirus ah ayaa sidoo kale la xaqiijiyay gudaha Soomaaliya maanta oo Arbaco ah, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Dadka laga helay COVID-19 oo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay gudaha Soomaaliya waa 12 qof, hal qof ayaa ka bogsaday, sida ay sheegayso xogta Wasaaradda Caafimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*