QM oo Kiinya u sheegtay in loo baahanyahay wakhti badan si qaxootiga Soomaalida loogu cesho dalkooda

Kiinya waa in ay dib u dhigtaaa wakhtiga ay u goysay bisha November in 350,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku jira xerada qaxootiga ugu weyn Caalamka ay dib ugu laabtaan dalkooda dagaalada halakeeyeen oo aan ahayn nabad, Madaxa qaxootiga Qaramada Midooobay ayaa sidaa yiri shalay oo Isniin ahayd.

Wuxuu ugu yeeray deeqbixiyeyaasha in ay dhaqaale bixiyaan lagu abuuro shaqooyin iyo dhismaha kaabayaaal gudaha Soomaaliya si loogu ogolaado qaxootiga Dhadhaab kuwaasoo rajaynaya in ay ku noqdaan dalkooda oo QM ugu talagashay ilaa iyo sagaal meelood oo nabad ah in la dajiyo.

“Meelaha ay asal ahaan kasoo jeedaan qaxooti badan oo Dhadhaab ku sugan amni maahan wali,”Sidaa waxaa yiri madaxa haayada QM u qaabilsan qaxootiga Filippo Grandi, wuxuu ka sheegay shir saxaafadeed uu Nayroobi ku qabtay Isniintii.

“Waxaan u malayn qof walba inuu fahansanyahay in aynu u baahanahay in lasii wado xushmada kuwa ka yimid deeganadaas.”

Kiinya ayaa sheegtay bishii May in ay qorshaysatay in ay xirto xerada Dhadhaab oo ku taala bariga wadanka, taasoo hoy u ah 350,000 oo badankood qaxooti Soomaali ah yihiin, iyagoo ka cabsi qaba isku-fidinta maleeshiyada al-Shabaab ee gudaha Kiinya.

Wadanka Kiinya ayaa waxaa ka dhacay weeraro is-xig-xiga oo maleeshiyada al-Shabaab oo ku xiran al-Qaacida ay fulisay, waxaana kamid ahaa suuqa dukaamaysiga Nayroobi iyo jaamacada Gaarisa.

Grandi ayaa sheegay inuu dabayaaqada bisha Juun kula kulmi doono Nayroobi dowladaha Kiinya iyo Soomaaliya, kadib marka laga codsado deeqbixiyeyaasha in ay sameeyaan maalgelin lagu hagaajinayo xaaladaha ka jira gudaha Soomaaliya.

14,000 oo Soomaali ah ayaa iskood ugu noqday dalkooda ilaa iyo bishii December, 2014-kii, sida uu sheegay Grandi, 8,000 oo kalena waxay ay sugayaan in si lamid ah ay sameeyaan.

Qaramada Midoobay waxay siinaysaa dadka noqonaya dhaqaalaha ku baxaya safarkooda iyo waxyaabaha kale ee guryaha, waxaa kale oo la siin saddex bilood oo raashin ah, taasoo uu Grandi sheegay in ay rajaynayaan in looga dhigo lix bilood ama sanad in la siiyo raashin.

 

(Warbixintan waxaa qortay wakaalada wararka, Reuters, waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror)

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*