Qeybo kamid ah gobolka Gaardafuu oo wajahaya go’doon kadib roobab mahiigaan ah oo gooyay waddooyinka

Roobka ayaa waxyeeleeyay waddooyinka isku xira deegaanada gobolka. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Qeybo kamid ah gobolka Gaardafuu ayaa wajahaya go’doon kadib markii roobab mahiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay ay waxyeeleeyeen waddooyinka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Roobka ayaa sababay in ay go’do wadada Lafo-goray, oo ah halbowle isku xirta magaalooyinka Baargaal iyo Caluula.

Dadka deegaanka oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in ay u baahanyihiin in si deg-deg ah wax loogu qabto dadka deegaanka kuwaasoo oo maalmihii u dambeeyay helin baabuurtii badeecadaha Boosaaso uga keeni jirtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*