Qatar oo baabuur gaashaaman ugu deeqday Soomaaliya

Baabuurta gaashaaman ee Qatar Soomaaliya ugu deeqday oo maanta la keenay Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qatar ayaa 68 gaari oo gaashaaman ugu deeqday Soomaaliya maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga Qatar.

Qatar ayaa sheegtay baabuurta oo maanta oo Khamiis ah laga dajiyay Muqdisho ay gacan ka geysan doonaan dagaalka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto xagiriinta Al-Shabaab.

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa aad u wanaagsanaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2017.

Xukuumada Farmaajo ayaa diiday in ay dhinac la safato khilaafkii u dhaxeeyay Qatar iyo xulufada uu Sucuudiga, oo ay ku jirto Imaaraatka Carabta, oo sanadkii lasoo dhaafay joojiyay taageeradii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*