Qatar Airways oo duulimaad todobaadle ah ka bilowday Muqdisho

Diyaarada Qatar Airways oo fadhiga garoonka Muqdisho, July 1, 2019. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta oo Isniin ah duulimaad todobaadle ah ka bilowday magaalada Muqdisho.

Munaasabada furitaanka ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, halkaas oo diyaaradii ugu horeysay ee ka socota Qatar Airways ay soo cago dhigatay iyada oo siday rakaab ka yimid magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Masuuliyiinta diyaarada Qatar Airways ayaa sheegay in ay asbuucii saddex duulimaad oo isku xiraya Muqdisho, wadamada deriska iyo dalka Qatar ay ka sameyn doonto.

Waxay noqonayasaa diyaaradii saddexaad oo caalami ah oo duulimaadyo ka bilowda Muqdisho. Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay Turkish Airline ayaa ahayd diyaarada keliya ee caalami ah oo ka howlgalaysay Muqdisho inkastoo Ethopian Airline ay ku soo biirtay sanadkan.

Soo kabashada xasiloonida Muqdisho ayaa keentay in diyaarado caalami ah ay duulimaadyo ka bilaabaan dhowr iyo labaatan sanno ah kadib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*