Ugu yaraan saddex qof oo ku geeriyooday qarax gaari oo ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta AMISOM ee Muqdisho

Ugu yaraan saddex qof oo ku geeriyooday qarax gaari oo ay Al-Shabaab ku qaaday xarunta AMISOM ee Muqdisho. [Sawirka: Al Jazeera]
Ugu yaraan saddex qof oo ku geeriyooday qarax gaari oo ay Al-Shabaab ku qaaday xarunta AMISOM ee Muqdisho. [Sawirka: Al Jazeera]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay qaraxyo gaari oo ka dhacay maanta oo Isniin ah meel u dhow xarunta saldhiga AMISOM ee xarunta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay sargaal booliis ah.

Mid kamid ah dadka is-qarxiyay ayaa qaraxa ku dhuftay kantarool kuyaala xarunta ciidamada nabad ilaalinta ah ee AMISOM, waxaana ku dhintay saddex kamid ah ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo halkaas saldhig ku lahaa, Maxamed Axmed oo ah sargaal katirsan ciidamada booliiska ayaa sidaa sheegay sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka Reuters.

Qaraxa labaad ee gaariga ayaa kadib u jihaystay ganjeelada waa-weyn ee saldhiga balse ciidamada AMISOM ayaa tacshiirad ku furay.

Qaraxyada oo ahaa kuwa aad u waa-weyn ayaa waxyeeleeyay huteel Peace oo ka ag dhow meesha ay qaraxyadu ka dhaceen, balse ma jirto macluumaad ku saabsan in khasaare ka dhashay ilaa iyo hadda.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarada dhacay maanta oo Isniin ah, sida uu wakaalada wararka Reuters u sheegay afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab.

Weerarka ayaa imaanaya iyadoo dalku uu u diyaargaroobayo in uu doorto afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*