Qarax lala eegtay gaari ciidan gudaha magaalada Boosaaso

 

Ciidamo ku sugan Boosaaso. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Qarax ayaa caawa fiidkii ka dhacay magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Qaraxa ayaa ahaa kan wadada dhinaceeda lagu aaso oo lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada ammaanka Puntland, mana jirto wax khasaare ah oo la soo sheegay, sida ilo-wareedyadu intaas ku dareen.

Cidina ma sheegan masuuliyada qaraxaas, balse maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo ISIS ayaa weeraro hore ka geystay magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*