Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay markii garax gaari uu ku qarxay banaanka xarunta booliiska Waaberi ee kutaala Muqdisho maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

In ka badan 10 kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weerarka maanta oo Khamiis ah, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa badanaa qaada weerarada argagixiso ee gudaha Muqdisho.

Ururka ayaa kordhiyay weeraradooda gudaha Muqdisho intii lagu guda jiray maalmihii u dambeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*