Qarax ka dhacay caasimada dalka Afghanistan ee Kabul oo dilay ugu yaraan hal qof

Dad ka badbaaday qaraxa ka dhacay Kabul maanta oo Isniin ah oo lugeynaya meel ku dhow halka qaraxu ka dhacay. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Dad ka badbaaday qaraxa ka dhacay Kabul maanta oo Isniin ah oo lugeynaya meel ku dhow halka qaraxu ka dhacay. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Kabul-(Puntland Mirror) Qarax ka dhacay bartamaha caasimada dalka Afghanistan ee Kabul maanta oo Isniin ah ayaa burburshay gaari bas ah oo siday shaqaale dowladda katirsan, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal qof waxaa kale oo ku dhaawacmay sideed qof, sida uu sheegay Sediq Sediqqi oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi.

Gaariga ayaa waxa uu siday shaqaale katirsan mid kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu weyn Afghanistan.

Sargaal dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in qaraxa uu sababay qof isa-soo biimeeyay oo lugeynayay, balse afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in uu u muuqdo in uu sababay bumbo dhulka lagu aasay.

Ma jirto koox ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse waxay kusoo beegmaysaa wakhti  Taalibaan ay kordhisay weeraradeeda gudaha dalka Afghainstan.

Asbuucii lasoo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa la dilay kadib markii weeraryahano u labisan sida dhakhaatiirta ay weerar ku qaadeen isbitaalka milatari ee ugu weyn gudaha caasimada dalka Afhanistan ee Kabul.

Ururka hubaysan ee ISIS ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas.

Ururka kale ee ka dagaalama dalka Afghanistan ee Talibaan ayaa iska fogeeyay in ay wax lug ah ku leeyihiin weerarkaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*