Qarax gaari oo ugu yaraan shan qof ku dilay gudaha Muqdisho

Qarax gaari oo ugu yaraan shan qof ku dilay gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay markii gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa lagu dhuftay meherad kutaala bartamaha Muqdisho laguna qarxiyay maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen saraakiisha amniga iyo kuwa caafimaadka.

Qaraxa ayaa waxaa daba socday rasaasta qoryaha, qaraxa ayaa lala eegtay meherada Talyaaniga oo kutaala meel u dhow xafiiska socdaalka ee Muqdisho, sida ay wararku sheegeen.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Caasimada Soomaaliya ayaa aragtay weeraro badan oo dhiig ku daatay intii lagu guda jiray asbuucayadii  u horeysay ee sanadka 2017-ka, oo ay geysatay ururka hubaysan ee Al-Shabaab, balse tirada ayaa hoos u dhacday ilaa iyo dhawaan.

Dhawaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah maleeshiyada, taasoo doonaysa in ay meesha ka saarto dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*