Qarax gaari oo lala eegtay saldhig milatari oo kuyaala duleedka Muqdisho

Qarax gaari oo lala eegtay saldhig milatari oo kuyaala duleedka Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Qarax gaari oo lala eegtay saldhig milatari oo kuyaala duleedka Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay saldhig millatari oo kuyaala duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.

Ilaa iyo saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas maanta oo Isniin ah, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro kan la mid ah horey u qaaday.

Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, balse maleeshiyadu wali waxay ka wadaa gudaha caasimada weeraro ay dhiig badan ku daateen.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*