Qarax gaari oo lala beegsaday xarun degmo oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa burburiyay dhismayaashii ka ag dhawaa. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay weerar gaari oo ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho maanta oo Axadda ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka katirsan.

Weerarka ayaa dhacay kadib markii qarax gaari lagu qarxiyay banaanka hore ee xarunta degmada Hawlwadaag ee Muqdisho.

Dad ka badan 10 qof, oo intooda badan yihiin caruur dugsi Quraan, ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, sida ay wararku sheegayaan.

Ururka hubeysan ee Al-Shabaab ayaa si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay baahiyeen mareegaha internet-ka ee iyaga taageera.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*