Hal qof oo ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay kadib markii gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa maanta oo Jimce ah uu ku qarxay banaanka hore ee makhaayad mashquul badan oo la dhaho Banooda oo kutaala gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaasha iyo saraakiisha caafimaadka.

Ilaa labo qof oo kale oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday isbitaalka, sida saraakiil caafimaad oo jooga Muqdisho ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas balse caasimada Soomaaliya ayaa asbuucyadii u dambaysay wajahayday mowjado weeraro ah oo loo adeegsaday qarax gaari, waxaana masuuliyadooda sheegtay ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*