Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay weerarada lagu bartilmaameedsanayo shaqalaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya

Xiriiriyaha arrimaha insaanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clercq. [Lahaanshaha Sawirka: AFP]
Nairobi-(Puntland Mirror) Weerarada ka dhanka ah samafalayaasha ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa korodhay sanadkan iyadoo qaarkood ay keeneen dilal, sida uu bayaan ku sheegay sargaal sare oo katirsan Qaramada Midoobay shalay oo Jimce ahayd.

Isku xiraha xafiiska bini’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in ka badan 100 dhacdo in lala bartilmaameedsaday shaqaalaha gargaarka sanadkan oo keliya, iyadoo afar kamid ahna la dilay.

“Gudaha Soomaaliya, shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka, kuwaasoo ka shaqeeya daryeelana dadka ayaa waxaa saameysay dhibbaatooyin keenay in la bartilmaameedsado. Daawooyin iyo agab gargaar ayaa la boobay,” ayuu yiri de Clercq.

Si kastoo ay ahaataba, De Clercq ayaa ammaanay shaqaalaha gargaarka kuwaasoo halis naftooda u gashay sidii ay ku caawin lahaayeen dadka dhibbaataysan.

Maalinta Bini’aadanimada ayaa laga xusaa adduunka sanad walba 19 Agoosto si loogu tacsiyeeyo shaqaalaha gargaarka kuwaasoo naftooda u huray adeegyada bini’aadanimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*