Qaramada Midoobay oo sheegtay in colaadaha Gaalkacyo ay ku barakaceen dad ka badan 75,000

Dad barakac ah oo alaabahooda gaarka ah ku qaatay gaari iyaga oo ka cararaya xaafadooda kutaala Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Dad barakac ah oo alaabahooda gaarka ah ku qaatay gaari iyaga oo ka cararaya xaafadooda kutaala Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) In ka badan 75,000 oo qof ayaa ka cararay guryahooda intii lagu guda jiray saddexdii asbuuc ee ay socdeen dagaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug.

“Dagaalka waxa uu ka sii socdaa asbuucii labaad Gaalkacyo, sida ay sheegeen jaalka insaanimo ee jooga Gaalkacyo hadda waxay ku qiyaasayaan in ka badan75,000 oo qof in ay barakaceen, laakiin haayadaha maxaliga ah waxay muujinayaan in tiradaas ay ka sarayso intaas in ka badan in ay kasii cararayaan colaada,” sidaa waxaa warbixin ku yiri haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-xirka arrimaha insaanimada (UNOCHA).

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in tirada dadka barakacay ay soo kordhi karto haddii dagaalka uu sii socdo.

“Baqdinta in dagaalka uu dheereedo intii la filayay in ka badan waxay keeni kartaa in dad badan ay ka baxan guryahooda,”

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalo xoog leh oo duleedka magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyada maamulka Galmudug intii lagu guda jiray asbuucyadii lasoo dhaafay, sida ay Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*