Qaramada Midoobay oo sheegtay in 3,800 qaxooti ah ay sanadkan 2016-ka ku dhinteen badda Mediterranean-ka

muhaajiriin
Muhaajiriin kusii jeeda Talyaaniga. [Sawirka: Archive]
London-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 3,800 qof oo qaxooti ah ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka iyaga oo isku-dayayay in ay gaaraan Yurub ilaa iyo sanadkan, taasoo ka dhigaysa 2016-ka sanadka ugu dhimashada badnaa diiwaanka, sida ay sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

twitter

“Hadda waxaan cadaynay in ugu yaraan 3,800 oo qof ay dhinteen, taasoo ka dhigaysa 2016-ka sanadka ugu dhimashada badnaa abid.” William Spindler, oo ah afhayeenka haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sidaa ku yiri boggiisa Twitter-ka.

Haayada UNHCR ayaa ayaa sheegtay in dhimashada ay keentay cimilada oo xun, doonyo liita oo lasoo buux dhaafshay iyo qaxootiga ka imaanaya Libya kuna soo jeeda Talyaaniga oo in badan sii kordhaya.

Haayada UNHCR ayaa ka digtay in tirada dhimashada sanadkan ay sii kordhi karto iyada oo sanadka ay ka harsantahay labo biloold.

Tirada dhimashada ee muhaajiriinta badda Mediterranean-ka sanadkii hore ee 2015-ka ayaa ahayd 3,771, sida ay sheegtay UNHCR.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*