Qaramada Midoobay oo dib u dhigtay dhimista ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya

Ciidamada AMISOM. [Sawir Hore]
New York-(Puntland Mirror) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ansixiyay in dib loo dhigo dhimista ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Qaraar uu ansixiyay goluhu ayaa lagu ogolaaday joogista ciidamada loo yaqaan AMISOM tan iyo 31-da May 2019, oo ay ka mid tahay in la yareeyo ugu badnaan 20,626 askari oo ciidan ah bisha Febraayo 28, 2019, taasoo dib u riixaysa bartilmaameedkii Soomaaliya ee lagu doonayay in AMISOM lagala wareego 2020-ka.

Danjiraha Britan ee Qaramada Midoobay Karen Pierce, taasoo dalkeedu uu soo jeediyay qaraarka, ayaa tiri: “AMISOM waxay joogtaa goob muhiim ah ilaa Soomaaliya ay hesho ciidamadeeda amniga si buuxda, waxaan fileynaa in taasi ay sii socon doonto,”

“Qaraarku wuxuu ogolaanayaa dib u dhigista kala guurka AMISOM sida dhabta ah si loo helo waqti iyo meel ku filan dadka Soomaaliyeed si ay dalkooda ugu helaan nabadgelyo,” Pierce ayaa sidaas tiri.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ku guuleysan dhismaha ciidamo milatari oo awood u leh oo gacanta ku dhiga ammaanka dalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waraaq uu 5-tii July u gudbiyay Golaha Ammaanka ku sheegay in Al-Shabaab ay weli khatar leedahay.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbaato ka soo gaartay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda oo 14-kii bishii Oktoobar ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof ayna ku dhaawacmeen dad badan.

Guterres ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab ay si cad u muujinayaan in deg deg la wareegidu ay keeni karto khatar ayna sii joogista AMISOM tahay laga maarmaan inta lagu guda jiro gala guurka ay Soomaaliya ku dhisayso awooda ciidankeeda iyo haayadaheeda iyo diyaargaroowga doorashooyinka 2020-2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*