Qaramada Midoobay: Al-Shabaab wali waxay khatar ku tahay Soomaaliya

 

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la asaasay sanadkii 2006-dii. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa ka digaysa in maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ay wali awoodo in ay qaado weeraro waa-weyn.

Kooxda ku xiran urur weynaha Al-Qaacida ayaa lix weerar ku qaaday huteelada kuyaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho intii u dhaxaysay bishii November 2015-ka ilaa iyo June 2016-ka, sida lagu sheegay warbixin  uu arkay warsidaha Puntland Mirror oo shalay oo Jimce ahayd ay soo saareen guddiga kormeerida cunaqabataynta Soomaaliya u qaabilsan QM.

Warbixinta ayaa sheegaysa in xaalada amaanka ee Soomaaliya aysan wali soo hagaagin.

Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in dilka ugu yaraan saddex sargaal oo sare oo Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay duqayn diyaaradeed ay fashilisay in si xun ay kooxda u tabar yarayso.

Guddiga dabagalka QM ayaa ku dhaleeceeyay dowlada Soomaaliya in ay ku fashilantay mushahaar siinta ciidamada, taasoo keentay in ay ka baxaan deegaano kuyaala koonfurta iyo bartamaha dalka, kadibna u ogolaatay maleeshiyada in ay kusoo noqdaan deegaenadaas.

Al-Shabaab ayaa u dagaalamaysa sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowladda Muqdisho. Maleeshiyada iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaalamayay tan iyo sanadkii 2006-dii.

Bartamihii sanadkii 2011-ka, Al-Shabaab ayaa dibada looga saaray Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waa-weyn oo kuyaala koonfurta Soomaaliya, balse maleeshiyada ayaa wali qaadaysa weeraradeeda dhimashada leh ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda iyo shacabka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*