Putin iyo Erdogan oo kulmi doona bisha Agoosto: Warbixin

Putin and Erdogan
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Moscow-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa kulmi doona bartmaha bisha Agoosto, sida wakaalada wararka Ruushka ee RIA ay kasoo xigatay afhayeenka aqalka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

Putin ayaa u yeeray Madaxweynaha Turkiga wuxuuna sheegay inuu rajaynayo dalxiislayaasha Ruushka u dhashay in la difaaco kadib saamaynta afgembigii dhicisoobay oo Jimcadii ka dhacay Turkiga, aqalka Kremlin ee Ruushka looga taliyo ayaa sidaa ku yiri bayaan soo baxay Axadii.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si fool ka fool ah ay u kulmi doonaan dhaqso.

Inkastoo heshiis jiray bishii lasoo dhaafay lagu sii wadayo wada shaqaynta labada dal, xiriirka u dhaxeeya Kremlin-ka iyo Erdogan ayaa wali ka kacsan colaadaha Suuriya iyo diyaaradii dagaalka Ruushka oo uu Turkiga soo riday bishii November.

Erdogan ayaa ka raali geliyay Putin bishii lasoo dhaafay ee Juun soo ridida diyaarada, taasoo Ruushka uu u isticmaalayay howlgalada militari ee gudaha Suuriya. Kremlin-ka ayaa uga jawaabay dhacdadaas soo ridida diyaarada iyagoo hakad gashay ganacsiga ay Turkiga la lahaayeen.

Kremlin-ka ayaa sheegay Axadii in Madaxweyne Putin uu u yeeray dhiggiisa Turkiga kadib markii ay askar falaago ah ay u isticmaaleen taangiyo, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa dagaalka si ay isugu dayaan in ay afgembiyaan Erdogan Jimcadii, iyagoo weeraray xarunta baarlamaanka iyo xarunta sirdoonka ee ku taala Ankara sidoo kalena qabsaday buundada, isguna hareereeyay garoonka Istanbul.

Bayaanka kasoo baxay Ruushka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Putin uu u sheegay Erdogan in Ruushka uu afgembiga u arkay ficilo aan dastuuri ahayn iyo qalalaase uuna rajaynayo in lasoo cesho sharcigii iyo xasiloonidii Turkiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*