Puntland: Waxaa waajib ah in aan ka qeybgalno wadahadalada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay waajib tahay in ay ka qeybgasho wadahadal walba oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Somaliland.

Puntland ayaa arrintan ku sheegtay bayaan soo baxay Khamiistii kadib saddex beri oo Garoowe uu ka socday shir weyne lagu magacaabay “jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub ee Puntland.

“Sida uu qabo dastuurka federaalka ahi, gorgortan iyo heshiis walba oo saamaynaya dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah waxaa waajib ah in laga qaybgalo oo uusan ku koobnaan keliya dowladda federaalka ah, sidaa darteed Puntland waa inay qayb ka tahay wadahadal walba oo saameyn ku leh deegaanada Puntland, gaar ahaan wadahadalada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.” Ayaa Puntland ku sheegtay bayaanka.

Hadalka Puntland ayaa imaanaya iyada oo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in bishaan gudaheeda lagu qaban doono dalka Ghana kulan u dhaxeeya maamulkiisa iyo dowladda Soomaaliya haddii ay aqbasho xukuumadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wadahadalada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa soo bilaabmay xilligii xukuumaddii Xasan Shiikh Maxamuud, dhowr kulan oo dhacay ayaan wax natiijo ah laga gaarin.

Labadii sanno ee ay jirtay xukuumadda Farmaajo ma jirin wax kulan ah oo dhexmaray labada dhinac.

Dowladdu shisheeye ah oo ay ku jirto Turkiga ayaa hormuud u ahaa dadaalada dhex-dhexaadinta ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Somaliland oo kutaala waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka goosatay Soomaaliya sanadkii 1991, balse wax aqoonsi ah kama helin adduunka tan iyo wakhtigaas.

Tan iyo markii ay wadahadala labada dhinac bilaabmeen, Puntland ayaa dalbanaysay in ay qayb ka noqoto maxaa yeelay waxay saamayn ku yeelanayaan deegaanada ay ku muransanyihiin labada maamul.

Puntland iyo Somaliland ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 waxaa dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay weli isku hor-fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale xiisaad colaadeed ayaa maalmihii u dambeysay kasoo cusboonaatay gobolka Sanaag kadib markii ciidamo ka socda maamulka Somaliland ay halkaas yimaadeen, taasoo keentay in Puntland ay iyana ciidamo u dirto halkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*