Puntland waa maamul aysan u fududeyn in DFS ay farogelin ku sameyso: Falaanqeeye

8-da Janaayo 2019 ayaa qorshuhu yahay in doorashada madaxweynaha Puntland ay dhacdo.

Garoowe-(Puntland Mirror) 66 xildhibaan oo qaab beeleed lagu soo xulay ayaa 8-da Janaayo 2019 waxay dooran doonaan Madaxweynaha Puntland.

In ka badan 25 musharax oo uu ku jiro madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u loolamaya xilka madaxweynenimada.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa ka fakaraya cida uu yahay musharaxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerayso.

Dadka siyaasadda falaanqeeya ayaa aaminsan in Dowladda Dhexe ay farogelin ku sameyn doonto doorashooyinka maamul goboleedyada ee soo socda, iyada oo tusaale muuqda laga dhigan karo doorashadii Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa farogelin aad u weyn ku sameysay doorashadii dhawaan ka dhacday Baydhabo oo Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftageern oo ay taageeraysay uu noqday madaxweyne.

Axmed Seleymaan Xuseen, oo loo yaqaan Diinaari waa falaanqeeye siyaasadeed oo jooga Puntland waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay rabto in doorashada Puntland ay kasoo baxdo arrimo iyadag u dan ah.

“Dowladda Federaalku waxay isku dayaysaa in natiijo iyagu ay rabaan in ay kasoo baxdo Puntland 8-da Janaayo, musharixiin badan oo gaaraya afar ayay doorbidayaan,” ayuu yiri.

Diinaari ayaa xusay in Dowladda Federaalka aysan rabin in ay soo baxaan qaar katirsan musharixiinta kuwaasoo ay u aragto in aysan u dhago nuglaan doonin danaheeda siyaasadeed.

“Waxayna xooga saaraayaan in sadex nin ay iska ilaaliyaan Juxa, Deni iyo Gaas in uu mid Madaxwayne noqdo waxay uga dhigantahay khasaaro wayn.”

Puntland oo muddo 20-sanno ahayd maamul ay haayadihiisa dowliga ah madaxbanaanyihiin ayaa ay adagtahay in ay farogelin ku sameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo isku dayo hore oo farogelin ay fashilmeen.

“Culayska ay saartay Koonfur Galbeed mid lamid ah ma saarin Puntland, maxaa yeelay Puntland waa maamul aysan fududeyn in ay farogelin balaaran ay Dowladda Dhexe ku sameyso, sidoo kale iyadu lama soo bixin xildhibaanada Puntland, keliya hadda waxay xooga saaraayaan in ay adeegsadaan musharixiinta ay ku tuhmayaan in ay awood u leeyihiin in ay guulaystaan,” ayuu yiri Diinaari.

Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa u dhaxeeyay khilaaf xoogan oo saameeyay hor u socodka dalka oo kasoo kabanaya muddo sannooyin ah oo dagaalo iyo xasilooni daro ah.

Dowladda Federaalka ee ay hoggaaminayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa la aaminsanyahay in ay ka faaideysanayaan doorashooyinka masuuliyiinta maamul goboleedyada oo intooda badan wakhtigoodu idlaanayo ayna helaan masuuliyiin kale oo iyaga taabacsan.

“Ujeedkooda ugu weyn waa in ay soo baxdo cid u hoggaansami karta qorshayaashooda hoggaaminta, iyo in ay la soo baxaan cid ay tageero fiican ka heli karaan doorashada 2021-ka oo ah tan loolanka adagi kajiro, Waxaa kale oo iyaduna socota qorshe lagu keenayo shirkada Som-Oil oo Khayre qaybta ka yahay, oo la rabo in lagu wareejiyo ceelasha shidaalka si ay u sameeyaan baaritaano iyo qiimayn. Waxaa isaguna dood adagi ka taagantahay dastuurka iyo qeexista awoodaha, iyo sida loo maamulayo. Xukuumada Nabad iyo Nolol ma aaminsana federal system-ka, waxaana ay ka shaqaynayaan waa in dalka afti la galiyo iyada oo aan dalku gacan kuwada jirin, si loo baa’biyo nidaamkaa federaalka.” Ayuu yiri falaanqeeyuhu.

Maanta oo Sabti ah, bayaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ay soo saartay ayay ka mamnuucday masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiradda, agaasimayaasha iyo saraakiisha dowladda in ay soo galaan deegaankeeda taasoo ah tilaabo ay ku rabto in ay kaga hortagto farogelin ku wajahan doorashada madaxweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*