Puntland oo xustay sanadguuradeeda 21-aad ee dowladnimo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo uu waheliyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka qaybgalaya sanadguurada 21-aad, Garoowe, Agoosto 1, 2019. [Isha Sawirka: Puntland TV]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland oo ah dowlad goboleed katirsan Somaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xustay sanadguuradeeda 21-aad ee dowladnimo.

Dabaaldega ugu weyn ayaa lagu qabtay caasimada Garoowe, halkaas oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta Puntland iyo afhayeenka baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Intii uu dabaaldegu socday, tobonaan dad ah oo ka socda bulshada rayidka ah iyo ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa gaardis ku sameeyay masuuliyiinta hortooda fagaaraha Barxada Garoowe. Gaaadiidka ciidamada Puntland ayaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay.

Ciidamada Puntland oo gaardinaya si ay ugu dabaaldegaan sanadguurada 21-aad, Garoowe, Agoosto 1, 2019. [Xigashada Sawirka: Puntland TV]
Dabaaldeg maanta ayaa ahaa kii ugu weynaa taariikhda Puntland, taasoo ah dowlad goboleed xasiloon oo la asaasay bishii Agoosto 1-dii sanadkii 1998.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan goobta hadal ka jeedib, balse qabanqaabiyaasha xaflada ayaa sheegay in madaxweynuhu uu hadalkiisa caawa ka jeedin doono madaxtooyada, haalkaas oo munaasabada labaad ay ka dhici doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*