Puntland oo xirtay xadka ay la leedahay koonfurta Soomaaliya

border
Baabuur xamuul ah oo taagan xadka Puntland iyo koonfurta Soomaaliya. Sawirka: Puntland Mirror.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa si rasmi ah u xirtay xuduudeeda ay la leedahay Koonfurta Soomaaliya, waxaana la diiday in baabuurta ka imaanaya koonfurta ay soo geli karaan gudaha Puntland, sida uu sheegay afhayeenka dowlada Puntland Cabdulaahi Jaamac Quraanjacel.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa bishii lasoo dhaafay iclaamiyay in la xirayo xadka Puntland ay la leedahay koonfurta si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, ugu yaraan 30 qof ayaa dhintay kadib markii Al-Shabab gaari ay qarax kasoo buuxisay ku qarxisay xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo.

Tan iyo sanadkii 2008, maleeshiyada Al-Shabab ayaa gobolada Puntland waxay ka geysatay weeraro joogto ahaa oo ay ku dileen boqolaal dad shacab ah iyo saraakiisha amaanka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*