Puntland oo wacad ku martay in ay la dagaalami doonto ururada argagixisada ah iyo ficilada burcadbadeeda

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shalay oo Arbaco ahayd wacad ku maray in ay la dagaalami doonaan ururada argagixisada ah iyo ficilada burcadbadeeda.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay gudaha Garoowe Qarjab ayaa yiri: “Puntland Waxay gelaysaa dagaal ka dhan ah argagixisada iyo burcadbadeeda waxaanu tilaabo ka qaadi doonaa cid walba oo isku dayda waxyeelaynta Puntland”.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya hal maalin kadib markii ciidamada ammaanka Puntland ay magaalada Boosaaso ku qabteen gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa oo culus iyo shan nin oo gaariga la socday.

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda gudaha magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Puntland, sidoo kale burcadbadeeda ayaa siyaadisay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.

Dowladda 19-sanno jirta ah ee Puntland ayaa hadda la daalaa dhacaysa abaar dabo dheeraatay, taasoo saameysay dad gaaraya 1.5 milyan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*