Puntland oo u diyaargaroobaysa dabaaldega sanadgeeradeeda 21-aad

Gabdho ku labisan calanka Puntland si ay ugu dabaaldegaan sanadguurada 21-aad. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa isku diyaarinaysa dabaaldega sanadgeeradeeda 21-aad ee asaaska dowladnimadeeda oo ku beegan 1-da Agoosto.

Garoowe oo ah caasimada Puntland ayaa waxaa ka socda diyaargaroowga ugu balaaran iyadoo labo beri ay ka harsanyihiin xuska.

Ciidamada kala duwan ee Puntland sida Daraawiista, booliiska iyo badda ayaa ku jira gaardis ay ugu diyaargaroobayaan dabaaldega, sidoo kale bulshada rayidka ah sida dhalinyarada ciyaaraha iyo ardayda iskuulada iyo jaamacadaha ayaa iyana sameynaya diyaargarow.

Waxaa la qurxiyay bilicda barxada Garoowe oo ay ka dhici doonto munaasabada ugu weyn ee dabaaldega, waxaana masuuliyiinta hortooda mari doona ciidamada, bulshada rayidka iyo sidoo kale gaadiidka dagaalka, sida masuuliyiinta dowladda ay u sheegeen warbaahinta.

Munaasabadan ayaa noqoneysa tii ugu weynayd iyadoo sanadihii u dambeeyay aan dabaaldeg balaaran la dhigin.

Amniga oo la adkeeyay

Ciidamada maanka oo baaraya gaadiidka gudaha Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Ammaanka guud ee caasimada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay iyadoo uu soo dhowdahay dabaaldega sanadguurada 21-aad ee asaaska dowladda Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha haayadaha ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada, halkaas oo ay ka wadaan baaritaan lagu xaqiijinayo nabadgelyada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah xarunta madaxtooyada ee Garoowe kulan kula yeeshay saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda, iyaga oo madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan nabadgelyada guud ee Puntland iyo sida ay u socdaan howlgalada ammaanka laga sugayo inta lagu guda jiro xuska sanadguurada 21-aad.

Puntland oo la asaasay 1-dii Agoosto, 1998, ayaa ah meelaha ugu ammaanka iyo xasiloonida fiican dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*