Puntland oo si rasmi ah u furtay nidaamka xisbiyada badan

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlayay munaasabada furitaanka. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlaya munaasabada furitaanka. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u furtay nidaamka xisbiyada badan.

Munaasabada daahfurka ayaa ka dhacday xarunta PDRC ee kutaala caasimada Puntland ee Garoowe, waxaana ka qaybgalay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada, Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiyadu uu yahay mid faa’iido weyn u leh dhammaan shacabka, kaasoo siinaya qof walba oo muwaadin  reer Puntland ah in uu si xor ah u doorto cida uu rabo.

Cabdiweli ayaa ku booriyay dadka shacabka ah in ay ka qaybqaataan hanaanka dimuqraadiyada, oo uu sheegay in lagaga gudbi doono nidaamka ku salaysan awood qaybsiga qabiilka ee hadda ka jira Puntland.

Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sanadkii 2013-kii isku dayday in ay Puntland ka hirgaliso nimadkan balse waxa uu ku dhammaaday fashil kadib caqabado badan oo kaga yimid dad kasoo horjeestay qaabka ay dowladdu ku waday hanaankaas.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*