Puntland oo sheegtay in ciidamadooda ku dileen gobolka Mudug in ka badan 20 dagaalyahan oo Galmudug ah

Jimale Jama Takar, the commander of Puntland's Danab unit forces. [Photo: Archive]
Jimcaale Jaamac Takar, taliyaha ciidamada Puntland ee cutubka Danab [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in ciidamooda ay ku dileen in ka badan 20 dagaalyahan oo Galmudug ah dagaal shalay galab oo Sabti ahayd ka dhacay duleeedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu sheegay taliye ciidan.

Jimcaale Jaamac Takar oo ah taliyaha ciidamada ee cutubka Danab, ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidankooda ay dileen in ka badan 20 dagaalyahan oo Galmudug ah.

“Ciidamadayada waxay dileen in ka badan 20 dagaalyahan oo Galmudug ah kuwaasoo weerar kusoo qaaday saldhigyadayada duleedka magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri Jimcaale.

“Waxaanu dagaalka ku gubnay saddex gaari oo tikniko ah oo ay Galmudug lahaayeen.” Ayuu ku daray taliyahu.

Ugu yaraan labo kamid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay oo Sabti ahayd, sida uu sheegay taliyaha.

Ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug ayaa dagaalo soo noq-noqday ku dhexmaray xadka gobolka Mudug intii lagu guda jiray sanadihii lasoo dhaafay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*