Puntland oo sheegtay in ciidamadeedu ku dileen gobolka Bari ugu yaraan todobo maleeshiyo oo ISIS ah

Ciidamada ammaanka Puntland. [Sawirka: Archive]
Ciidamada ammaanka Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo dagaalyahan oo ISIS ah ayaa lagu diley dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada ISIS oo ka dhacay deegaanka Bashaashin ee gobolka Bari, sida uu sheegay guddoomiye.

Isaga oo la hadlayay VOA Soomaali, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys sidoo kale loo yaqaan Dhedo ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay maanta oo Sabti ah ku dileen deegaanka Bashaashin todobo dagaalyahan oo ISIS ah.

Saddex kamid ah ciidamada dowladda Puntland ayaa ku dhaawacmay dagaalka maanta oo Sabti ahayd, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa bilaabay weerar ay dib u gala wareegayaan maleeshiyada ISIS magaalada Qandala.

Bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, in ka badan 50 dagaalyahan oo maleeshiyada ISIS ah oo uu hoggaaminayo sargaal hore oo Al-Shabaab ah Cabdiqaadir Muumin ayaa weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, waxayna kula wareegeen iska-caabin la’aan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*